Waxa dalka oo dhan la galiyay laba maalmood oo fasax oo loogu baroor diiqaayo madaxweynahii hore ee Somaliland marxuum Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo xalay ku geeriyooday caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Waxa laga bilaabo maalinta bari ah aan shaqo tagi doonon dhamaan shaqaalaha dawladda sidoo kale waxa fasaxa baroor diiqdaha gali doona dhamaan ardayada kala duwan ee dugsiyada dalka iyo jaamacadaha kuwaasi oo ay xataa ku jiraan dugsiyada gaarka loo leeyahay.

Waxana aaska marxuumka loo saaray gudi heer qaran ah oo soo qaban qaabisa aaska madaxweynahii hore Axmed Siilaanyo oo dhici doona maalinta isniinta.