LABADA INAN EE LA TOOGTAY WAXAY KA GEERIYOODEEN QARANKA SOMALILAND.

Ilaahay Samir iyo iimaan haka siiyo qoyskii iyo ehelkii ay ka baxeen iyo ummadda Somaliland ee ka naxdayba.

Cadowgii S/Land xiqdigii iyo xasadkii wuu sii labanlaabay waad arkaysaan maraakiibta hubka ah ee laynoo soo iibsaday, waad atkaysaan amnigeenii sida loola dagaallamayo waad arkaysaan dhibaatooyinka cadowga ee innagu foorara.

Kuwa Labada inan toogtay waxay toogteen waddankoo dhan ee cagaha halloo dhigo inta war laga soo saarayo.

Waa arrin xiun dilalka noocaas ahi waxase ka sii xun in la qalloociyo ama la jiho habaabiyo oo khilaafaadka dabiiciga ah ee dhexdeenna yaalla wixii dhacaba lagu cabiro arrimaha noocaas ah shicibka iyo dawladduba waa inay iska kaashadaan oo aan fidmmo kale la dhex eryin.

MAHADSANID.
CABDI BACAW.
GUUL ALLE.
LONDON.