Daraasado kala duwan ayaa lagu ogaaday dawooyin saamayn wayn ku yeesha awoodda ragannimada, si joogto ahna loo isticmaalo.

Liiska hoos ku xusan waa dawooyinka ay habboon tahay in ay iska ilaaliyaan ragga, si aysan hoos ugu dhicin awooddooda ragannimo.

Nolosha gogosha waa mid ka mid ah baahiyaha ugu waawayn ee bani’aadanka, hase yeeshee mararka qaar waxaa ku yimaada caqabado.

Sababo kala duwan ayaa keeni kara caqabadahaas, balse qaarkood waxaa mas’uul ka ah lix nooc oo daawooyin ah, sida lagu shaaciyay Wakaaladda Wararka ee ANI, oo xog gaar ah kasoo diyaarisay mowduucan.

Xanuun-baabi’iye

Dad badan ayaan ka labolabayn inay isticmaalaan dawooyinka xanuun-baabi’iyaha, haddii xitaa xanuunka ay dareemayaan uu yahay mid yar.

Laakiin, maka war qabtaa in isla dawooyinkaas aad xanuunka ku baabi’inayso ay saamaynayaan awooddaada ragannimada, hoosna ay u dhigayaan?

Xanuun-babi’iyeyaashu waxay ka hor tagaan inay samaysmaan unugyada taranka, waxayna dhaawacaan hormoonno badan oo muhiim u ah gogosha dhex marta ragga iyo dumarka.

Daawada walwalka

Dad badan oo ka cawda xanuunka walwalka ayaa qaata dawooyin ay kula tacaalayaan walwalka.Hase ahaatee, isla dawooyinkaas ayaa hoos u dhiga hammiga galmada.

Dawooyinkan waxay sababi karaan in qofka uusan danayn arrimaha xiriirka jinsiga.

Xitaa qaarkood waxay ragga u sababaan in uu dareenka ka lumo gebi ahaanba.