“Lix sannadood ka hor lix gobol oo nabadda ayaa lagu wareejiyay Muuse, maantana gobol baa maqan, dhiiggaa qulqulaya” Xoghayaha Guud ee WADDANI

Hargeysa(Qaran)- Xoghayaha Guud ee xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi ayaa sheegay in dalku u baahan yahay in madaxweyne Muuse Biixi laga badbaadiyo, wuxuuna ku eedeeyay in dalkii midaysnaa ee loo dhiibay uu maqan yahay gobol dhammi isla markaana dhiigu qulqulayo.

Xoghaye Khadar wuxuu sidaas ku sheegay mar uu maanta ku soo dhaweynayey madaarka Hargeysa, xildhibaan Khadar Guud, oo uu ka mid ahaa madaxdii ka soo galbisay madaarka Cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa.

“Waxa hubaal ah inay maanta Somaliland badbaado u baahan tahay, cidda ay u baahan tahay in laga badbaadiyaana waa Madaxweynaha kursiga ku fadhiya, lix sannadood ka hor Muuse Biixi waxa uu yimid Somaliland oo mid ah oo dadkeedu is jecel yihiin. lix sanno ka dib dadkeennu siduu u qaybsan yahay ayaynu ognahay,”ayuu yidhi Xoghaye Khadar Xuseen.

waxa kaloo uu sheegay “Lix sannadood ka hor lix gobol oo nabadda ayaa lagu wareejiyay Muuse, maantana gobol baa maqan, dhiiggaa qulqulaya, dad baa dhimanaya oo carruur baa qaxday. lix sanno ka hor waxa Muuse Biixi dalka loo dhiibay Somaliland oo ah xiddig ka ifaysa Geeska Afrika oo ah meel laga filayo in habka nabadda iyo khilaafaadka loo xaliyo dunida u gudbiso. 32 sannadood ka dib Muuse ayay taariikhdiisa ku qormi doontaa in ergo Soomaaliyeed Xamar inooga timaado oo ay Hargeysa bilo inoo fadhido iyagoo leh cidda aanu dhexdhexaadinaynaa waa dadka reer Somaliland oo uu isagu madaxweyne u yahay.”

“Waa arrin yaab leh in ergo Muqdisho inooga timid Hargeysa joogto oo ay madaxtooyadeennii fadhiisteen oo ay leedahay nabad baanu idinka (Somaliland) idinka dhex dhalinaynaa,”ayuu yidhi Xoghayaha WADDANI.
Xoghayuhu wuxuu sheegay in maanta Somaliland ay u baahan tahay nabad iyo wadajir. waxa kaloo uu tilmaamay in Sool xabada laga daayo oo ay

“Mucaaridka iyo shacabiga somaliland waxa ay qabaan si tusaale wanaagsan ay u noqoto wax-wadalahaanshiyaha somaliland in maanta Reer AWDAL xagooda loo jeesto oo lagu dhiso shirgudoonka wakiilada, Taas ayaanu ka shaqaynaynaa”. Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi