Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil
cumar Geelle, ayaa ka degay Magaalada Riyad ee dalka Sucuudiga, halkaas oo uu shirweyne uga furmayo Dalalka Carabta iyo Shiinaha “the summit of China and Arab countries”.
Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna lagu wadaan inuu halkaas gaadho, si uu uga qayb galo shirkaas oo berri Jimce furmaya.
Sidoo kale Madaxweyneyaasha Jabuuti iyo Somalia ayaa la filayaa in ay Shirka Carabta iyo Shiinaha ee Sucuudiga, uga sii gudbaan Shirweynaha Mareykanka iyo Afrika ee 13 bishan isna furmaya.