Inta lagu guda jiro xagaagga cimilada hoose, dad badan ayaa u soo jeesta jimicsiga iyo kor u qaadida hababka ay wax u cunaan. Warbaahinta bulshada waxaa ka buuxa muuqaalo laga hadlayo wadiiqooyinka ugu wanaagsan ee lagu dhisi karo jir caafimaad qaba iyo murqo xooggan, waxaana dad badan oo saamayn leh oo ku jira jirdhiska ay ka doodaan budada barotiinku iyaga oo ku qasa biyo iyo caano (barootiinado la ruxo”) ay tahay qayb kamid ah joogteyntooda maalinlaha ah si ay u gaaraan hadafkan.

Barotiinka caalamiga ah ee dheeriga ee suuqa ayaa arkay horumar wanaagsan sannooyinkii u dambeeyay. Iyada oo qiimaheeda lagu qiyaasay $24 iyo $28 bilyan sanadkii 2024. Tiradan ayaa la rajaynayaa inay labo jibaaranto sanadka 2034, iyada oo noqotay mid caan ka ah qaybo kala duwan oo bulshada caalamka, oo ay ku jiraan ciyaartooyda orodka.

Maxaa laga sameeyay budooyinkan, mana loo tixgaliyaa inay yihiin kuwo badbaado leh? Maka sarreeyaan borotiinka aynu sida maalin laha ah uga helno cuntada, amase waxaa ay ku wanaagsan tahay in aan borotiinka ka helno cuntooyinka dabiiciga ah?

Inta aynan ka jawaabin su’aalahan, waxaa muhiim ah marka hore in la fahmo muhiimadda borotiinka iyo ilaha kala duwan ee laga helo, iyo tirada ay tahay in aynu ka qaadano.
Habka dhismaha iyo dib hagaajinta
Barotiinka ayaa aad muhiim ugu ah caafimaadka bini’aadamka, iyada oo ka qayb qaadata shaqooyinka muhiimka ah ee tamarta ku jirta gudaha jirkeena. Borotiinki waxaa dhaliya aashitooyinka amino, oo ah dhismayaasha unugyada dhexe, nudayaasha, enzymes iyo qaybaha kale ee aynu ka koobanahay ee muhiimka u ah nolosheena.

Qaybaha muhiimka ah ee shaqooyinka borotiinka

Dhismaha nudayaasha iyo hagaajinta waxyeelada soo gaarta: borotiinki waxa uu muhiim ugu yahay kobaca iyo dib u hagaajinta murqaha, maqaarka iyo xubnaha.

Soo saarista Enzyme: Waxaa jira Enzymes badan oo u shaqeeya sida falcelinada ka dhasha kiimikaalka-noolaha ee ku jirta jirka oo laga sameeyay boratiin- tusaale ahaan, dheefshiidka enzymes ayaa burburiya cuntada waxaana uu u baddalaa nafaqo uu jirku nuugi karo.

Hagitaanada hormoonka: borotiinka ayaa door ka ciyaara soo saarista hormoonada kaantaroola nidaamyada jirka, sida Insulin, taasi oo maamusha heerka sonkorta ee dhiiga.

Shaqada difaaca jirka: walxaha lidka jira ee la dagaalama infakshanada ayaa ah borotiinka.

Gudbitaanka iyo kaydka: borotiinada ayaa caawiya dhaqaaqa unugyda (molecules) ee jirka- tusaale ahaan, hemoglobin waa borotiin ku jira unugyada dhiiga cas ee ka soo qaada oksijiinta sambabada ee u geeya nudayaasha.

Baratiinka ayaa sidoo kale loo tixgaliyaa il tamar loo adeegsado marka (carbohaydrates) iyo dufanka aysan ahayn kuwo ku filan jirka.

Gaar ahaan barotiinka ayaa muhiim ah inta lagu jiro carruurnimada, uurka, iyo da’da ( kahor tagaya luminta muruqa ee la xiriira da’da), korna u qaadaya caafimaadka guud iyo kasoo kabashada cudurada

Barotiinka ayaa laga helaa ilaha xoolaha sida hilibka cas iyo cad, kalluunka, ukumaha, iyo waxsoo saarka caanka, ama geedaha sida noocyada kala duwan ee digirta iyo dhammaan noocyada kala duwan ee geedaha badarka.

Daraasadaha qaar ayaa muujinaya barotiinka xoolaha inuu ka wanaagsan yahay barotiinka geedaha sababtuna ay tahay in loo tixgaliyo barotiin dhamaystiran, oo ka kooban tiro ku filan oo ah dhammaan 9 ka (amino acids) halkaasi oo inta badan barootiinka geedaha aysan ku jira hal ama labo barotiin sameeyay amino acids. Sidaas darteed, dadka khudaarta cuna ayaa lagula taliyaa inay cunaan cuntooyinka kala duwan ee dhirta ee ka kooban barotiinka.

Barotiinada xoolaha ayaa sidoo kale ay dhib yar tahay in la dheefshiido oo jirku isticmaalo marka loo eego barotiinada geedaha. Waxaa intaa dheer, barotiinada xoolaha nooc ahaan ay ka kooban yihiin nafaqooyin muhiim ah oo kale, sida Iron, Vitamin-B-12, omega-3 fatty acids iyo Vitamin D, oo ah kuwa laaga helo ilaha dhirta.

Laakiin ilaha barotiinka dhirta ayaa badanaa ka kooban nafaqooyinka faa’iido leh oo dheeri ah sida Fiber, antioxidants, vitamins, minerals kor u qaada caafimaadka guud.

Waxaa kaloo muhiim ah in la ogaado qaar kamid ah daraasadaha ayaa muujiyay in qaadashada qayb balaaran oo kamid ah barotiinka xoolaha, gaar ahaan hilibka cas ee la kariyay, lala xiriirin karo kororka khatarta cuduro dhowr nooc ah, gaar ahaan cudurka wadnaha. Waxaa badanaa lala xiriiriyaa dufanka dareera iyo Cholesterol hilibka la dubay.

Mareegta iskuulka caafimaadka Harvard ayaa taageeraysa cuntooyin kala duwan oo ka kooban dhir iyo barootiinada xoolaha, qaadashada ilaha barotiinka ee ka kooban qayb yar oo dufanka iyo carbohydrate-ka dabka maray iyo tiro badan oo nafaqooyin kala duwan ah.

Cunooyin kala duwan

Xigashada Sawirka,Getty Images

Imisa barotiin ah ayaa jirkeenu u baahan yahay?

Maamulka caafimaadka Maraykanka ayaa taageeraya dadka waaweyn inay qaataan 0.8 garaam oo barotiin ah ee halkii kilogram ee culayska jirka ah maalintii. Tusaale ahaan qofka weyn ee 70-kilogram ah ayaa u baahanaya ku dhowaad 56 gram oo barotiin ah maalintii. Carruurta iyo dhalinyarada ayaa u baahan qayb sare oo kamid ah barotiinka, waxaana tirooyinkan ay ku xiran yihiin da’dooda.

Daraasado dhowr ah ayaa muujinaya uurka iyo dumarka naasnuujinta ku jira ay u baahan yihiin barotiin dheeri ah. Daraasado kale ayaa xaqiijiyay baahida in la qaato barotiin iyada oo da’deenu ay korayso si aan uga hortagno luminta shaqada iyo culayska murqaha, taasi oo keenaysa daciifid. Orodyahanada ayaa u baahan tiro badan oo barotiin ah si ay kor ugu qaadaan shaqadooda una caawiyaan koritaanka murqahooda.

Si kastaba, daraasadaha qaar ayaa muujinaya habka loo adeegsanayay qeexitaanka tirada barotiinka ee ay tahay in aynu qaadano ee loo yaqaan habka “isku dheelitirida nitrogen” ayaa waxyeelo soo gaartay, waxaynuna u baahanaynaa inay qaadano tiro badan oo la soo jeediyay.

“Isticmaalka habka cusub ayaa tijaabinaya nidaamka kiimikaalka ee amino acids, cilmi-baarayaasha ayaa helay tirada 95% ee dadweynaha ay u baahnaan karaan cunida hilibka ee baahidooda maalinlaha ah oo ku dhowaanaysa 1.2 gram ee kilogram ka culayska jirka, “.

Greg Nicholls oo ah aqoon yahan cilim-baare ee sayniska ciyaaraha iyo dheefshiidka tamarta ayaa u sheegay BBC Arabic. “Hababka cilmi baarisyada kale diirada ku saaraan, sida sharciyada cunto u baahashada, la socodka culayska, iyo kahor taga waayitaanka xoogga jireed ee da’da ayaa sidoo kale soo jeedinaysa in 1.2 gram ee halkii kilogram ay ku hogaaminayso natiijooyin wanaagsan marka loo eego 0.8 grams ee halkii kilogram”.

Nicholls ayaa intaa ku daray ciyaaryahanada orodka borotiinkooda maalin laha ah ay u baahan yihiin gaaritaanka natiijooyinka ugu macquulsan ee ugu wanaagsan, maxaa yeelay “jimicsiga adag ayaa waxyeelayn kara barotiinada murqaha, iyada oo lagu darayo baahida boratiin dheeri ah oo lagu dhiso nudayaasha murqaha”.

Goorma ayay tahay in aad cunto barotiin?

Daraasadaha qaar ayaa soo jeedinaya habka ugu wanaagsan ee aynu ku heli karno baratoonka ay tahay qaadashada dhowr wakhti oo kala duwan oo maalinkii ah, intii aad xooga saari lahayd hal cunto. Daraasadahan ayaa helay cunitaanka cuntooyinka qaniga ku ah barotiinka ee dhowr mar maalinkii (tusaale ahaan, quraacda, qadada, cashada iyo cuntooyinka fudud) ayaa kor u qaada barotiinka murqaha, waxaana ay kordhisaa dareemida dharagta.

Daraasado ayaa sidoo kale tilmaamaya qaadashada barotiinka muddo 30 daqiiqo ah ilaa 2 saac oo jimicsi ah ay tahay mid faa’iido u leh soo kabashada murqaha, dib u hagaajinta unugyada dhaawacmay iyo kobaca.

Jimicsi

Xigashada Sawirka,John Phillips/Getty Images for KOBOX

Maxay yihiin budooyinka barotiinka mana yihiin kuwo badbaado leh?

Budooyinkan ayaa inta badan laga sameeyay ilaha barotiinka ee dareeraha soo hara marka la sameynayo burcadka (Whey) taasi oo qani ku ah amino acids; barotiinka kale ee caanaha laga helo (casein) ; ama geedaha sida bariiska iyo digirta, kuwaasi oo badanaa la isku daray si ay u sameeyaan walxo qani ku ah amino acids. Qaybo badan oo kamid ah budooyinkan ayaa lagu daraa kuwo dabiici ah ama la macmalay sida sonkor, macmacaan kale iyo marar qaarkood vitamins, macdano, fiber iyo dheefshiidka enzymes.

Guud ahaan, khubarada ayaa u tixgalinaya hab casri ah oo loo isticmaalo budada barotiinka oo badbaado u leh inta ugu badan dadka waaweyn, laakiin waxaa muhiim ah xoojinta saamaynta wakhtiga dheer, qaadashadoodana wakhtiga dheer waxa ay dhaawaci karaan kilyaha. Iyada oo laga fikarayo waa in sidoo kale la jimicsadaa ama dhakhtar lala tashadaa haddii ay tahay xaamilo ama qof ay haystaan xaalado caafimaad oo gaar ah.

Waxaa kaloo muhiim ah in la ogsoonaado in budada borotiinka ay ku sababi karto dhibaatooyin dheefshiid dadka qaar, gaar ahaan kuwo ay dhibto (lactose). Waxaa intaa dheer qaar ayaa ka kooban tiro badan oo sonkor ah iyo tamar ah (calories) taasi oo keeni karta culays ku soo fuula, heerka sonkorta dhiiga oo gaarta heer caafimaad xumo ah. Macmacaanada macmalka ee ku jira qaar kamid ah budooyinka ayaa sababi kara dhibaatooyin caafimaad.

Maloo baahan yahay budada barotiinka?

Budooyinka barotiinka ayaan ahayn kuwo xadidan marka loo eego ciyaaryanahada iyo jir-dhisayaasha; waxa ay sidoo kale qaataan dad badan oo aad goobaha jirdhiska jimicsiyo kala duwan si ay u dhisaan jirka. Qaar ayaa sidoo kale u qaata iyaga (ku qasitaanka biyaha iyo caanaha) ama cunooyinka fudud ama ay ku beddelaan cuntada haddii aysan haysan wakhti ay wax ku cunaan. Qaar kamid ah dadka cuna khuadaarta ayaa qaata marka ay waayaan barotiin ku filan.

Cilmi-baare Greg Nicholls ayaa sheegaya budad barotiinka badanaa khalad loo fahmay: ”Dadka qaar ayaa u arka inay ka hoosayso barotiinka ay ka helaan cuntooyinka kale, halka qaar ay u arkaan in ay leedahay faa’iidooyin gaar ah oo ka caawinaysa dhismaha murqo badan marka loo eego ilaha kale ee barotiinka. Laakiin xaqiiqda, barotiinka ku jira budooyinkan waa budooyin caadi ah, kama wanaagsana ama kama xuma kuwa aan ka helno ilaha kale”

Waxaa uu intaa ku daray barootiinka budada uu muddo ooli karo, ”Waxa u ahaan mid kuu yaala oo aad ku hayso quraarad guriga kuu taala… waxa uu ahaan kara barotiin diyaar ah oo aad qaadan karto markii aadan in kugu filan qaadan. Shakhsi ahaan, waxaan kaga baahidayda cuntada, laakiin waxaan ku hayaa quraarad ay ku jirto budada barotiinka ee iskafaalada jikadayda oo aan kasoo qabsado markii aan gurigaysa ka waayo wax cunto ah oo qani ku ah barotiinka.

 

Bbcsomali