Maamulka Cusbitaalka Guud ee Hargeysa oo Soo Dhaweeyay Shan Dhakhtar oo Dibadda Ugu Maqnaa Aqoon-korodhsi

Maamulka Sare ee Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, oo uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud, Dr. Axmedweli Daahir Xaddi, ayaa qado sharaf iyo soo dhawayn u sameeyay shan dhakhtar oo muddo dalka dibaddiisa ugu maqnaa aqoon-korodhsi iyo tababaro caafimaad oo heer sare ah.

Dhakhaatiirtan ayaa soo dhamaystay tababaro takhasusyo sare ah oo kala duwan, kuwaas oo kor u qaadi doona tayada adeegyada caafimaad ee uu cusbitaalku u hayo bulshada.

Dhakhaatiirta iyo takhasusyadoodu waa:

1. Dr. Saed Ahmed Ismail – Pulmonology and Critical Care Medicine Subspecialty Training.
2. Dr. Yasin Awil Elmi – Subspecialty Training in Arthroscopy and Arthroplasty.
3. Dr. Ahmed Abdi Hersi – Pulmonology and Critical Care Medicine Subspecialty Training.
4. Dr. Yasin Jirde Kayse – Advanced Training in Clinical Nephrology and Kidney Replacement Therapies.
5. Dr. Afnan Abdirahman Mohamed – Advanced Medical Training in Breast and Laparoscopic Surgeries.

Maamulka Cusbitaalka Guud ee Hargeysa ayaa bogaadiyay dadaalka dhakhaatiirtan ee horumarinta aqoontooda, isaga oo xusay muhiimadda ay aqoon-korodhkoodu u leeyahay tayaynta adeegyada caafimaadka iyo daryeelka bulshada. Maamulku waxay sidoo kale uga mahadnaqeen Dawladda Taiwan iyo gaar ahaan safaaradda Taiwan ee Hargeysa taageeradooda ay u sameeyaan horumarinta kaabayaasha caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland.