Caawa waxa magaalada Muqdisho ku soo xidhmay kulan balaadhan oo ay beesha caalamku ay deeq lacag ah ugu qaybinayasay maamul goboleedyada Somalia kulankaas waxa ka soo qayb galay maamulka Laascaanood oo ay ku weheliyaan hogaanka dhaqanka ee beesha Dhulbahanta waxana gabo gabadii ay deeq bixiyayaashu u sheegeen beesha Dhulbahante in ayna u aqoonsanyn maamulka Waqooyi bari ee ay sheeganyaan, waxa loo sheegay in dhulka ay magac ahaan sheeganyaan aanu ahayn mid ay ka taliyaan isla xisaabtan iyo isu caqli Celine dabadeed waxa aad u buuqay oo kululaaday odayadii dhaqanka iyo maamulka Laascaanood aakhirkiina waxa ay goobta kala baxeen faro madhnaan iyo cadho.

Wararka aanu ka helayno Muqdisho ayaa sheegaaya in sidoo kale ay odayada dhaqanka ee Dhulbahante iyo maamulka Firdhiye ay kulan la qaateen Raysal wasaare Xamse, halkaasi oo uu Xamsane ka codsday in ay ogolaadaan Tirokoobkii maamulkooda kaasi oo ay hore u diideen taasi oo aan iyadana is afgarad ka dhicin

Maamulka Firdhiye iyo hogaanka dhaqanka ee Dhulbahante ayaa waji gabax caawa kala kulmay Muqdisho oo ay aad u jecelyihiin.

Ilaa hada warbaahinta lama ay hadlin kooxda Firdhiye