Madaxweyne Donald Trump ayaa oggolaaday in 300 oo askari oo Ilaalada Qaranka ah loo diro Chicago si ay wax uga qabtaan waxa uu ku sheegay inay yihiin dembiyo aan la xakameyn karin.

Tallaabadan ayaa timid saacado kadib markii maamulka socdaalka uu sheegay inay kula kulmeen mudaharaadayaal magaalada ay maamulaan Dimuquraaddiyiinta oo ayna toogteen haweenay hubaysan markii iyada iyo dad kale ay baabuurtoodii ku jiireen gawaari sharci ilaalin ah.

Hogaamiyeyaasha gobolka iyo kuwa gudaha ayaa toddobaadyo dhaleeceynayay qorshayaasha ku-meel-gaarka ah ee Trump waxayna ku tilmaameen ku takri-fal awoodeed.

Guddoomiyaha gobolka Illinois JB Pritzker ayaa sheegay in Trump “uu isku dayayey inuu abuuro dhibaato”.

Ku dhawaaqista ayaa timid iyadoo xaakim federaal ah oo ku sugan Portland, Oregon uu si ku meel gaar ah uga hor istaagay maamulka Trump inuu 200 oo askari halkaas geeyo.

Bbcsomali