Muqdisho,(Qaran news)-Dhammaan shirkadaha waaweyn ee diyaaradaha sida Turkish Airlines, Qatar Airways iyo Fly Dubai ayaa joojiyay dhammaan duulimaadyadii ay ku tagi jireen Muqdisho kadib digniin heer sare ah oo ka soo baxday safaaradda Mareykanka ee Nairobi oo ku saabsan weeraro argagixiso oo Al-Shabaab. Digniintan ayaa si gaar ah u tilmaamtay goobo badan oo ku yaalla magaalada Muqdisho, oo uu ku jiro garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, kuwaas oo lala beegsan karo.
Tallaabadan taxaddarka leh ayaa ku soo aadeysa, iyadoo ay cirka isku sii shareereyso xiisadda, iyadoo shalay oo kaliya madaafiic lagu garaacay agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya. Isbeddelladan dartood, dhammaan dhaq-dhaqaaqyada shaqaalaha safaaradda Mareykanka ayaa la hakiyay Salaasadii, Abriil 9, 2024.
Dhanka kalena dhamaan duulimaadyadii u qorshaysnaa madaarka Egal international Airport ee caasimadda in ay yimaadaan ayaa si nabdoon sidii caadiga ahayd u yimid isla markaasina uga anvavaxeen rakaabkii qorshaysnaa in ay ka dhoofaan..
Somaliland ayaa waxa ka jira amni buuxa iyo dawlad hana qaaday oo ka ifaysa geeska Africa