Maareeyaha Hay’adda Duulusta iyo Madaarrada oo Beeniyay Eedo ka soo Yeedhay Soomaaliya
Hargeysa(Qaran news)- Maareeyaha Hay’adda Duulista iyo Madaarrada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cumar Sayid Cabdilaahi, ayaa beeniyay eedo ka soo yeedhay Hay’adda Duulista Soomaaliya oo sheegayey inay Somaliland la hadashay Diyaarad maraysay magaalada Qabri-tahare ee dalka Itoobiya.
Maareeye Cumar Sayid wuxuu ku tilmaamay warkaasi mid been abuur ah oo loogu talogalay in lagu kala dilo dalalka Somaliland iyo Itoobiya oo ah laba waddan oo saaxiib ah.
“Annagu waxaanu nahay dal ilaaliya sharciyadda caalamiga ah, mana la hadalno diyaarad maraysa meel ka baxsan hawadayada. Ma dhaafno laynka Xaris la yidhaahdo ee noo dhexeeya annaga iyo Itoobiya. Qabri-taharna weligayo ma aanu gaadhin. Soomaaliya waxay isleeyihiin Somaliland iyo Itoobiya oo isku fiican wax ka dhex raadiya umana suurto-galayso. Haddii in uun ay dhibaato dhacday waa dhibaato ay Soomaaliya wado,” ayuu yidhi Maareeye Cumar Sayid oo maanta u warramayey laanta Afsoomaaliga ee BBC-da.
Waxa kaloo uu intaas ku daray ” Somaliland waa dal masuul ah oo yaqaana halka iyo xadka hawadiisu tahay oo ay u kala saaran yihiin dalka ay saaxiibka yihiin iyo cidda kale.”
“Hawshaasi sidii aanu u bilownay 12kii bishan sidii aanu ugu talogalnay ayey u socotaa. Somalilandna waxay awood u leedahay diyaaradaha dul maraya oo dhan inay adeeg siiso. Hawo ay xidhi karaan oo ay diyaarado ka wareejiyeen wada-xidhiidhkiinna ma jirto.
Marka laga reebo isku dayo halis geliyay hawada oo ay Soomaaliya samaysay oo ay yidhaahdeen diyaaradaha line cusub oo imika ay sameeyeen nagala soo hadla.kaas laftiisa oo aanu gacanta ku hayno haddana, waanu sheegi doonaa inta khalad ee ay sameeyeen ee khatari ka dhici gaadhay,” ayuu yidhi Maareeye Cumar Sayid.
Maareeyuhu wuxuu sheegay in khilaafka hawadu u baahan yahay xal, waxaanu yidhi “Hadda ayaan taawarka agtiisa kaala hadlayaa oo aanu u shaqeynaynaa diyaaradaha. Umana suurtoobayso inay naga qariyaan diyaaradaha na dul maraya.waxaanu saxnay laba diyaradood oo ay isku joog siiyeen oo ay kala lahaayeen Qatar iyo Itoobiya labadii diyaaradoodna waanu la xidhiidhnay oo saxnay.”
Maareeyuhu wuxuu sheegay in aanay Soomaaliya haysan khabiirro maamulka hawada ah intii la joogtayna ay ka yaacday. Waxaanu ku eedeeyay in dhibaato ay Soomaaliya soo kordhiso mooyee aanay wax xal ah haynin.