









Maayarka Caasimadda Jabuuti ayaa booqasho ku yimi dawladda hoose ee Hargaysa. Waxaana waftiga la soo tusay qaabka ay u shaqayso Dawladda Hoose iyo xarumaha kala duwan ee dadka loogu adeego.
Duqa Caasimadda Jabuuti ayaa ugu horayn boqday qaar ka mid ah warashadaha ay leedahay Dawladd hoose iyo Degmooyinka Caasimadda. ugu dambayntiina waxa ay waftigu yimaadeen xarunta dhexe ee laga maamulo Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargaysa waxaana ay booqdeen xafiisyada kala duwan ee adeegyada bixiya.





