Maayarka cusub ee New York – Zohran Mamdani oo sheegay inuu xiiseynayo inuu wadahadal la yeeshoTrump

Duqa cusub ee magaalada New York – Zohran Mamdani – ayaa sheegay inuu xiiseynayo inuu wadahadal la yeesho Madaxweyne Trump, isla markaana uu kala hadlo sida ay isaga kaashan karaan u adeegidda dadka New York.

Wuxuu soo jeediyay in ballanqaadkii ololaha madaxweynaha ee ahaa in la dhimo qiimaha nolosha ay noqon karto hal mawduuc oo ay ka wada hadlaan.

Wareysi uu siiyay Fox News, Mr Trump wuxuu sheegay in Mr Mamdani uu la soo xiriiro isaga, wuxuuna ku booriyay inuu noqdo qof ixtiraam leh – isaga dhanka kalena uga digay in haddii kale uusan ka guuleysan doonin.

Trump ayaa doorashadiisa ka hor ku hanjabay, inuu dhaqaalaha federaalka ee la siiyo magaalada NYK uu jari doono, hadii la soo doorto Mamdani.

Ha yeeshe markan, waxay u muuqataa in labada dhinac ay isku soo dhawaanayaan doorashada kadib, iyadoo muhiimaddu tahay in Mamdani u adeego shacabkiisa soo doortay

Bbcsomali

Bbcsomali