Maayarka Sallaxlay oo la Kulmay Saraakiisha UNDP
Hargeysa(Qaran news)-Maayarka dagmada Sallaxley ayaa kulan la qaatay masuuliyiin ka socotay hay’adda UNDP kuwaas oo kormeer ku yimi dagmada Sallaxley.
Ujeeddada socdaalka masuuliyiinta UNDP oo uu hoggaaminayay sarkaal sare oo katirsan hay’adda (Abdikadir Rafiiq) ayaa ahayd kormeer iyo sidoo kale xog is waraysi dadka deegaanka ah oo ku saabsan mashaariicaha ay hay’addu ka fulisay degmada sidii looga faa’iideystay iyo waxii caqabo ah ee jira.
Maayarka degmada Sallaxley oo ay weheliyaan xubno kamid ah golaha deegaanka ayaa ugu horayn xafiiskiisa kusoo dhaweeyay iyadoo masuuliyiinta ka socotay Hay’adda UNDP ay uga warameen mashaariicaha ay ka fuliyeen dagmada Sallaxley iyo sidoo kale waxyaaba u qorshaysan 2024 inay ka fuliyaan dagmada.
Intaa kadib xubnaha ka socday UNDP iyo maamulka dagmada Sallaxley waxay kormeer ku gaadheen Laanqeyrta Qool-dhuxulaale halkaas oo ay shir kula qaateen odayaasha deegaanka waxanay kormereen Dhaamka Qool-dhuxulaale.
Sidoo kale waxa ay kormeereen Dhaamka dagmada iyo mashruuca Soolarta ee barakaca. Masuuliyiinta UNDP waxa halkaa warbixino ku siiyay maamulka dagmada iyo odayaasha deegaanka.