Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Mayorkii hore ee Degmada Gabiley, Mudane Maxamed-Amiin Cumar Cabdi oo si rasmi ah ugu soo biiray Xisbal-Xaakimka WADDANI.

Madaxweynuhu waxa uu soo dhaweeyey ku biirista Xisbiga ee Ex-Mayor Amiin, isaga oo ku tilmaamay tallaabo ka tarjumaysa kalsoonida sii kordhaysa ee bulshada JSL iyo hoggaamiyeyaasha siyaasaddu ay ku qabaan himilada, mabaadi’da, barnaamijka siyaasadeed iyo ka horumarineed ee Xisbiga WADDANI.

Kulanka waxa Madaxweynaha JSL ku wehelinayey Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Wasiirka Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda iyo Afhayeenka Madaxweynaha, kuwaasi oo kulanka ka soo jeediyey hadallo isugu jira soo dhaweyn iyo dhiirrigelin.

Dhankiisa, Mayorkii hore ee Degmada Gabiley, Mudane Maxamed-Amiin Cumar Cabdi ayaa Madaxweynaha si xushmad iyo qadarinba leh ugu mahad naqay soo dhoweynta iyo qaabilaadda diirran ee uu ku qaabilay, isaga oo caddeeyey in uu si rasmi ah ugu soo biiray Xisbiga Waddani, isla markaana ballan qaaday in uu si buuxda ula shaqaynayo Xukuumadda iyo Xisbiga Waddani.

Sidoo kale, Mayor-kii hore ee Gabiley ayaa Madaxweynaha si weyn ugu bogaadiyey hoggaamintiisa, aragtida fog iyo guulaha taariikhiga ah ee uu ku tallaabsaday muddada kooban ee uu xilka hayey. Waxa uu si gaar ah u xusay horumarka laga gaadhay dhinacyada diblomaasiyadda, adkaynta midnimada bulshada JSL, xoojinta nabadda iyo kor u qaadista sumcadda Jamhuuriyadda Somaliland ee fagaarayaasha caalamiga ah.