MAAYARKII HORE EE LONDON BOROUGH OF PRENT XILDHIBAAN CABDI NUUR BITIG WUXUU DHIGAY QAYLO DHEER IN LA GALO SIYAASADDA UK.

Xildhibaan cabdi nuur oo ka mid ahaa dhaliyaradii timid UK 1988KII wuxuu sameeyay dadaal shaqo iyo waxbarasho, wuxuu galay siyaasadda UK isagoo ka mid noqday xisbiga Labour partiga wuxuu noqday Xildhibaan ka soo baxay golaha degaanka ee prent waxa ku xigtay cabdi nuur inuu haddana noqday maayarkii prent markuu waqtigiisii dhamaystay wuxuu dib ugu noqday xildhibaankii oo uu yahay imminka.
Cabdi nuur bitig xil wareejintii Wakiilada somaliland dayaxweerar iyo siciid biixi wuxuu ka jeediyey qudbad guubaabo ah oo dadka reer s/Land uu ku adkeeyay inay galaan siyaasadda waddankan oo ay ka mid noqdaan xisbiyada dalkan, wuxuu caddeeyay haddii aynu siyaasadda dalka galno inaynu aqoonsiga dalkeenna aynu ku iibsankarnno codkeenna Waayo dad badan ayaynu nahay ee halla qaato kaadhaadhka xisbiyada dalka.
Arrinkani waa farriin ku socota dadka reer Somaliland ee jooga gaar ahaan ingiriiska, maraykan, yurub, iyo ustareeliya, sidaas awgeed fariintaas oo in badan laga Hadlay hallaga dhabeeyo.
MAHADSANID.
CABDI BACAW.
GUUL ALLE.
LONDON.






