Cabdishakuur Maxamed Cidin, Maayarkii magaalada Berbera oo xilkan hayey muddo 14 sano ah, ayaa si rasmi ah uga dhawaaqay inuu guud ahaanba iska casilay xilkii Maayirnimo ee degmada, waxaana sidoo kale isna is casilay maayar ku xigeenkiisii Nuur Jaamac Jaamac (Nuur Cad).

Cabdishakuur Cidin, oo ahaa maayirkii ugu wax qabadka badnaa ee soo mara magaalada Berbera waxa uu sheegay in golaha deegaanku ay iska dhex dooran doonaan maayarka iyo ku xigeenkiisa.

Maayar Cidin waxa lagu xasuustaa wax qabad karti, hawl karnimo, daacadnuu dalkiisa iyo dagmadiisba u ahaa iyo waliba dad isku wad.