Macalimiin ku Meelgaadhka ah ee Awdal oo Imtuxaan u Fadhiistay
Hargeysa(Qaran news)-Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ayaa maanta imtixaan daahfuran ka qaaday Macalimiinta ku meel-gaadhka ah ee ka hawl-gala Dugsiyada dawliga ah ee gobolka Awdal.
Wasiirka Wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Dr ahmed Buuxane, Gudoomiye Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Khalid jama qodax agaasimeyaasha guud ee wasaradda waxbarashada iyo Hay’adda Shaqaalaha ayaa goob joog ka ayaa imtixaankani Hay’adda ka qaadaysay 483 Macalin oo si ku meelgaadh ah uga shaqaynayay dugsiyada dawliga ah ee gobolka Awdal.
Wasiirka iyo gudoomiyaha oo hadalka iska daba maray ayaa hambalyo u diray macalimiinta maanta tartamaya sidoo kale Wasiirka ayaa Xusay faa’idada uu leeyahay imtixaankani lagu Kala saarayo macalimiinta iyo in ay tahay hanaanka keliya ee ugu cadaaladsan in imtixaankani lagu Kala saaro sida ay u kala sareeyaana loogo tix gelinayo mustaqbalka in loo Kala hor shaqaalaysiiyo, gudoomiyaha iyo wasiirka ayaa sidoo kale u mahadnaqay Gudigii farsamo ee imtixaankani gacanta ku haysay oo ay hogaaminayeen labada agaasime Guud ee Hay’adda Shaqaalaha iyo Wasaradda Waxbarashada.