Macaluul ka Dilaacday Gobolka Tigrayga Itoobiya

Itoobiya(Qaran)-Macaluul iyo nafaqo darro saamaysay boqolaal kun oo carruur ah ayaa ka dilaacday gobolka Tigree ee dalka Ethiopia oo dagaaladii ka dhacay burburiyeen dhamaan kaabayaashi nolosha ee degaankaas.

Sida warbixin wakaalada wararka Faransiiska ee AFP ka diyaarisay gobolkaasi ay daaha ka rogtay, carruur tiro badan ayaa ku lee’day nafaqo daro iyo xaalad cunto yaraan ba’an ah oo haleeshay guud ahaan degaanada uu ka kooban yahay gobolka Tigree.

Cusbitaalka carruurta ee ku yaala caasimadda Maqale waxa maalin walba ku dhinta carruur nafaqo daro haleeshay, sida warbixintani xustay shan ilaa toban carruur ah ayaa maalin walba ku dhinta cusbitaalkan oo kaliya.

Waaladiinta la daala dhacaya carruurtooda nafaqo daradu ku dhacday ayaa sheegay in edeega ay ka helaan cusbitaalku aad u xadidan tahay, sidoo kale hawl wadeenada caafimaadka ayaa sheegay in xaaladu awoodooda dhaaftay carruurtan macaluulsana aanay jirin wax ay u qaban karaan.

Inta badan carruurta la keeno cusbitaalka Maqale waa kuwo u badan ehalada dadkii beeraleyda ama xoolo dhaqatada ahaa eek u dhaqnaa, goobihii dagaaladu saameeyeen gaar ahaan tuulooyinka durugsan.

Hay’ada UNICEF ayaa hore uga digtay macaluul saamayn doonta ilaa labo milyan oo dadka ku dhaqan gobolka Tigree, kuwaas oo uu halakeeyay dagaalkii xukuumada Ethiopia iyo falaagada TPLF.

Ma jiraan goobo fuuq celin ama gar gaar loogu sameeyo carruurtan oo intooda badani qalfoof iyo lafo isa sudhan noqdeen, waxaana xaaladooda uga sii daraysa jidadka xidhan iyo dhaq dhaqaaqa hayadaha gar gaarka oo kooban.

Dibadbaxyo Isreal dhexdeeda ka bilaabmay

Televiv(Qaran)-Kumanaan shacabka Israel ah oo ka cadhaysan wax ka beddel lagu sameeyay sharciga garsoorka dalkooda ayaa dibad baxyo rabshado wata ka sameeyay magaalooyinka waaweyn ee dalkaas gaar ahaan magaalada caasimadda ee Telaabiib.

Golaha baarlamaanka dalkaas oo KANISAT-ka loogu yeedho ayaa xalay goor danbe ogolaaday wax ka badal ku saabsan nidaamka garsoorka dalkaas, gaar ahaan in hoos loo dhigo awoodaha maxkamada sare taas oo si wayn ay uga cadhoodeen shacabku.

Sida wararka laga helayo dalka Israel ayaa sheegayaan ilaa boqol iyo labaatan ka mid ah dadka dibad baxyada dhigayaa ayaa boolisku xabsiga u taxaabay, waxaana meelo badan oo magaalooyinka Telebiib iyo Xayfa ka dhacay rabshado ay ku kaceen dadka dibada baxyada dhigaya.

Mudaharaadayaasha ayaa sitay boodhadh ay ku soo qoreen halku dhegyo ka dhan ah raysal wasaaraha dalkaas Benjamin Netanyahu oo ay ku tilmaameen kalidii taliye musuq maasuqu biyo dhigay.

Raysal wasaare Netanyahu oo ka badbaaday in dawladiisu burburto ayaa warbaahinta u sheegay in go’aanka goluhu yahay wax sharci ah oo lagu dhaqmi doono, taas oo dad badan ka sii cadhaysiisay, sababtoo ah? Maxkmada sare waxay dacwad musuq maasuq la xiidhadh ku qaadaysay Raysal wasaare Netanyahu laftiisa.

Sida sharciga cusub ee KANISAT-ku meel mariyay dhigayo waxa joogsan doona dacwadihii maxkamada sare ku soo oogi jirtay siyaasiyiinta xilalka sare ka qabta xuukumadaha dalkaa soo maray, taas oo ay dad badani ku tilmaameen dumuqraadiyadii oo lagu xad gudbay iyo cadaaladii oo gacmaha laga xidhay.

Maxkamad Liibiyaa
Xukuno adag ku riday dad ka ganacsada Aadmiga

Liibiya(Qaran)-Maxkamad ku taalla dalka Liibiya ayaa xukun adag dul dhigtay dad lagu eedeeyay ka ganacsiga aadmiga gaar ahaan tahriibinta dadka sharci darada doonay inay ku galaan qaarada Yurub.

Eedaysanayaal tiradoodu dhan tahay todoba iyo sodon oo hore ciidamada ammaanka dalkaasi u soo qab qabteen, ayaa maxkamada la hor geeyay kuwaas oo xukuno kala duwan ay maxkamadu ku riday.

Sida wararka laga helay dalka Libya ayaa cadeeyay in shan ka mid ah magafayaashan la maxkamadeeyay lagu xukumay xabsi daayin oo inta noloshooda ka hadhay ay ku dhamaysan doonaan xabsiga.

Sidoo kale maxkamada ayaa xadhig u dhexeeya 15-sano ilaa hal sano ku xukuntay 32-kii xubnood ee soo hadhay, soo qab-qabashada xubnahaas ayaa ka danbaysay ku lug lahaanshaha doon macmal ah oo dhawaan ku qaraqantay badda Mediterranean-ka taas oo ay ku dhinteen 11 ka mid ahaa Tahriibayaashii saarnaa.

Dhammaan dadkaasi la xukumay ayaa lagu eedeeyay in ay kaalin weyn ku lahaayeen abaabulka Tahriibayaasha ku safrayay doontaasi qaraqantay oo ku sii jeeday xeebaha dalka Talyaaniga.

Kooxaha xuquuqul insaanka ayaa sheegaya in muhaajiriin badan ay dhibaatooyin kala kulmaan gacanta kooxaha mukhalasiinta iyo maamulada xarumaha xabsiyada ee dalka Liibiya.

Liibiya ayaa waxaa hadheeyay colaado iyo qalalaase tan iyo markii xilka laga tuuray Korneyl Mucamar Al-Qadaafi sanadkii 2011-kii.