Iyada oo ay hoos u dhaceen qiimaha meceeshadu iyo shiidaalku waxa hadana hoos u dhacay qiimaha xoolaha nool ee lagu iibiyo sayladaha dalka.
Hoos u dhaca maceeshada iyo alaaabooyinka kalaba waxa ku diirsaday dadkii danyart ahaa iyo guud ahaan umadda oo dhan.
Maceeshada uun ma aha waxa hoos u dhacay ee ayaamahii ina soo dhaafay waxa aad hòos u dhacay danbiyada iyo dacwadaha ay dadweynahu keeni jireen saldhigyada Booliska.
Waxa aad hoos ugu dhacay danbiyada loo soo xidhi jiray qaar ka mid ah dadweynaha sidaasi waxa noo xaqiijiyay mid ka mid ah booliska caasimadda.
Guushaasi iyo sharaftaasi waxa gaadhay shicibka reer oo isku duuban.