WAR-SAXAAFADEED

MADASHA INDHEER-GARADKA SOMALILAND (SIO)

SAFARKII MADAXWEYNAHA SOMALILAND EE MARAYKANKU WUXUU AHAA GUUL DIBLOMAASIYADEED OO QARANKA U SOO HOYATAY

Madasha Indheer-Garadka Somaliland (SIO), oo xogogaal u ah dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu baadi-goobayo aqoonsiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxay si kalsooni leh u caddaynaysaa in safarkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), uu ahaa safar guul diblomaasiyadeed oo muhiim ah u soo hooyey qaranka Somaliland.

Safarka Madaxweynuhu ma ahayn mid loogu talagalay in aqoonsi rasmi ah isla markiiba lagaga soo helo Maraykanka oo keliya, balse wuxuu ahaa olole diblomaasiyadeed oo ballaadhan oo lagu horumarinayey qadiyadda aqoonsiga Somaliland, laguna dhisayay xidhiidho siyaasadeed, dhaqaale iyo istaraatiiji ah oo lala yeesho Maraykanka iyo dalal kale oo badan oo ka qaybgalayey shirarka Qaramada Midoobay.

Intii uu safarku socday, Madaxweynuhu wuxuu kulammo muhiim ah la yeeshay masuuliyiin ka tirsan dawladda Maraykanka, xubno ka tirsan Congress-ka, madax ka socday dalal kala duwan, safiiro iyo maal-gashadayaal caalami ah.

Sida xogta ay Madashu hayso, kulammadaas qaarkood waxay ahaayeen kuwo diblomaasiyadeed oo aan si rasmi ah loo shaacin, balse qayb ka ah dadaallada lagu ballaadhinayo xidhiidhada iyo saaxiibbada Somaliland.

SIO, oo qayb muuqata ka qaadatay ololaha aqoonsi-raadiska, isla markaana ku dhowaad 160 waraaqood u kala dirtay madaxda dalalka adduunka, waxay safarkan u aragtaa mid Somaliland u furay xidhiidho cusub, fursado dhaqaale iyo waddooyin diblomaasiyadeed oo muhiim u ah mustaqbalka qaranka.

Waxaanu sidoo kale shacabka Somaliland la wadaagaynaa in ololaha aqoonsi-raadisku aanu ku joogsanayn safarkan, balse la sii xoojin doono, lana filayo safarro kale oo badan, kulammo heer sare ah iyo dadaallo diblomaasiyadeed oo joogto ah oo lala yeelanayo madaxda dalalka caalamka.

Madashu waxay shacabka Somaliland ugu bishaaraynaysaa in qadiyadda aqoonsigu ay marayso marxalad muhiim ah oo rajo leh, isla markaana ay jiraan dadaallo iyo xidhiidho caalami ah oo laga filayo inay mustaqbalka dhow dhaliyaan guulo la taaban karo.

AQOONSI-RAADISKU WAA MASUULIYAD QARAN OO MUWAADIN KASTA U FURAN

Madasha Indheer-Garadka Somaliland (SIO) waxay ugu baaqaysaa dhammaan shacabka Somaliland, meel kasta oo ay dunida ka joogaan, inay si firfircoon uga qayb qaataan ololaha aqoonsi-raadiska qaranka.

Uma baahnid inaad Madaxweyne, Wasiir ama Xildhibaan noqoto si aad aqoonsiga dalkaaga ugu ololeyso.

Waa qadiyad qaran oo u furan muwaadin kasta oo aaminsan madax-bannaanida iyo xaqa aayo-ka-tashiga Somaliland.

Guusha diblomaasiyadda laguma cabbiro oo keliya aqoonsiga hal maalin lagu dhawaaqo, balse waxaa lagu cabbiraa albaabbada la furay, xidhiidhada la dhisay iyo fursadaha qaranka loo abuuray.

Aqoonsiga Somaliland waa qadiyad ina wada khusaysa, guushiisuna waxay u baahan tahay midnimo, dadaal joogto ah iyo ka-qaybgalka muwaadin kasta.

Mohamed Ali
Gudoomiyaha
MADASAHA INDHEER-GARADKA SOMALILAND (SIO)

Courage • Unity • Sovereignty • Wisdom