“Madashii caawa Madaxwaynuhu ka qaybgalay ee Council on Foreign Relations waxa ay ahayd mid saddex arimood oo togan leh:
1. Waxa ka soo qaybgalay dad micno leh oo qaybaha bulshada ka socda oo farriinta ay qaadaan meel gaadhsiin kara. Farriimo micno lehna waa loo dhiibay.
2. Waydiimaha la waydiiyay waxa ay ahaayeen kuwo fursad fiican siiyay madaxwaynaha inuu bixiyo xogta loo baahan yahay.
3. Diyaar garow fiican ayaa ka muuqday Madaxwaynaha iyo degenaansho uu kaga falceliyo waydiimaha.
Waxyaabaha waydiimuhu ku saabsanaayeen ee Madaxwaynuhu ka jawaabay waxa ka mid ah ahaa ammaanka marin-biyoodka aynu ku naallo, dhaqaalaha, siyaasadda juquraafiyadeed guud ahaanteed, Taiwan iyo xidhiidhka aynu la leenahay.
Waxa sidoo kale ku jiray waydiimo ku aadanaa nolosha hoose ee shacabka Somaliland sida xagga waxbarashada iyo caqabadaha uu aqoonsi laβaantu ku hayo qofka caadiga ah ee Somalilander ka ah.
Guntii waxa ay ahayd fursad fiican oo laga faaβiideeyey”
Garyaqaan Guuleed Dafac.





