Madaxda xafiiska Somaliland ee dalka Kenya oo la Kulmay Guddoomiyaha Senateka Kenya
Nairobi(Qaran news)- Wakiilka Somaliland ee dalka Kenya Maxamed A. Maxamuud Barwaani iyo madaxda xafiiska, ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Golaha Senatka dalka Kenya Mudane Hon. Amason Kingi oo ay weheliyaan mudaneyaal ka tirsan golaha Senate-ka.
Kulanka waxa lagaga wada hadlay iskaashiga labada dal ee dhinacyada dimuqraadiyadda, dhaqaalaha, ganacsiga, amniga iyo isku socodka dadka.
Waxa safiirka Somaliland hore kulamo midho dhal ah ula qaatay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Kenya Moses Wetangula, halkaas oo lagu meelmariyay laguna aasaasay Golaha Saaxiibbada Somaliland ee Baarlamaanka Kenya ama Somaliland-Kenya parliamentary Caucus.
Xidhiidhka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Kenya ee dhinacyada dawladda, baarlamaanada iyo shacabka ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey si weyn u soo xoogaysanayay.