Madaxda Waddani manta waxa la gu soo dhaweeyey mudaharaad aan ku la mid ah hore loo arkin, kuwii gobolada iyo degmooyinku na la jaad ayay ahaayeen; cid wax ku noqotay na ma jirto haba yaraatee, waana ka duwantahay tii August ee sida badheedhka ah dadka la isaga toogtay. Waa marag cad oo muujinaaya in taliska jiraa uu doortay ikhtiyaarka dhiig daadinta, oo la ga fursan karaayay. Si kastaba, isu soo baxyadani Waxa ay aad iyo aad u ga baaxad weynaayeen kuwii ururrada uu Kulmiye abuuray loo qabtay iyo xataa Muuse laftiisa kuwii loo muujiyay, ee weliba dhaqaalaha dawladda na la gu khasaariyay.
Taageerada heer shacbi ah ee mucaaridka loo muujiyay wadanka oo dhan, waxa ka horeeyay shirkii balaadhnaa ee Burco ka dhacay, ee beelaha Somaliland oo dhami na sida mugga iyo miisaanka ba leh u taageereen go’aamadii ka soo baxay. Si kale haddii loo yidhaahdo, heer shacbi iyo heer dhaqanba Hogaanka xisbiyada Mucaaridka ah waxa la siiyay jeeg cad oo la yidhi wixii aad rabtaan ku qorta! Run ahaan imika waa in ay ka fikiraan dawladda ay soo dhisi doonaan iyo sidii ay Somaliland dib u gu midayn lahaayeen. Taas baa haatan u taalla.
Geesta kale, Gabboose, iyo Sulub, iyo Daamur, iyo Ibraahin Buubbaa, iyo wixii idaacad la istaadhay oo dhan, Muuse waxa uu ka rabaa in ay soo caddeeyaan warkii ay u sheegeen Meesha ay ka keeneen. Nimankaas iyo kuwo la jaad ah ayaa Muuse u dhisay riwaayad odhanaysa xisbigii Waddani waa tii la wareejiyay, beeshu na waa xisbi la’aan, waanay xanaaqsanyihiin oo Cirro oo bilaa xisbi ah iyo Waddani ga Xirsi la siiyay midkoodna ma doonayaan. Haye, manta na maxay odhan? I qariya baa ka dhacday! Gabboose iyo Sulub in ay Hotel Ambassador keligood is daba luudaan oo aanay cidina la hadlin baa I soo gaadhay. Muuse oo ay been u sheegeen iyo reerkii oo ay godob ka galeen midkoodna caawa ma hayaan. Dadaalkii nimankaas iyo Muuse oo gadaal u fadhiya, laba natiijo oo ah caksiga wixii ay jeclaayeen ayaa ka dhashay – reerkii Garxajis in uu safka mucaaridka ku midoobo, iyo in xisbiyada mucaaridku ay reeraha kale ka helaan taageero mug leh. F*t*da xun day.