Madaxtootada oo Hab Aan la Shaacin u Beddeshay Digreetooyinkii Madaxweynaha
Hargeysa(Qaran news)- Madaxweynaha Sonaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa digreetooyinka uu soo saaro ee uu wax ku magacaabo ka dhigay qaar habqan ah oo aan la shaacin, kuwaasi oo marin habaabin keeni karta.
Madaxweynuhu waxa la sheegay inuu maanta sameeyay xilka qaadis, isku beddel iyo magacaabis cusub.
Hase yeeshee ma jirto war rasmi ah oo ka soo baxay Xafiiska madaxtooyada.
Waxa la sheegay in Wasiirka Ciyaaraha loo magacaabay nin la yidhaahdo Ibraahim Xirsi Dhoobaale.
Sidoo kale waxa la weriyay in Wasiir Ku xigeenka Beeraha Marwo Yurub Abiib loo beddelay Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
Waxa kaloo wararka suuqu sheegeen in Wasiir Ku xigeenkii Hawlaha Guud Maxamuud Warsame ayaa isna loo wareejiyay Wasiir ku xigeenka Beeraha.
Waxa jira Wasiir ku xigeenno kale iyo taliyeyaal, hase ahaatee ma jirto war rasmi ah oo ka soo baxay xafiiska madaxtootada
Waxa habboon in madaxtooyadu aanay khalkhalin bulshada, balse ay shaaciso ciddii madaxweynuhu soo saaro, haddii kale waxa abuurmi kara warar aan jirin iyo kuwo malo-awaal ah oo dadka lagu soo dhex tuuro.