๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ฅ๐š ๐ฒ๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐š๐ฒ ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐ž๐ฑ๐ž, ๐ฌ๐จ๐จ๐ง๐š ๐๐ก๐š๐ฐ๐ž๐ž๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ก๐š๐ฐ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐‚๐š๐ฌ๐ซ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ƒ๐ข๐›-๐ฎ-๐ก๐š๐›๐š๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐ž๐ฑ๐ž ๐ž๐ž ๐‰๐’๐‹

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada JSL kulan xog-warran ah oo muhiim ah kula yeeshay Maamulka Sare ee Baanka Somaliland, kaasi oo diiradda lagu saaray xoojinta shuruucda, dib-u-habaynta, iyo casriyeynta Hayโ€™adda ugu sarreysa Siyaasadda lacageed ee dalka.

Madaxweynuhu waxa uu ammaanay doorka Baanka Dhexe ee Somaliland ee ilaalinta xasiloonida maaliyadeed iyo kalsoonida suuqa lacageed, isaga oo tilmaamay in Baanka Dhexe uu yahay Hayโ€™ad laf-dhabar u ah dhaqaalaha Qaranka iyo Tiirka uu ku taagan yahay koboca dhaqaale ee JSL.

Kulankan oo ahaa kii ugu horreeyey ee rasmi ah ee dhex mara Madaxweynaha iyo Hoggaanka Sare ee Baanka Dhexe tan iyo markii uu xilka la wareegay 12/12/2024; ayaa Guddida Sare ee Baanka Dhexe waxa ay Madaxweynaha si mug iyo aqoon leh ugaga xog warrameen hawlaha casriyeynta ee hadda socda, kuwaasi oo ay ugu mudan yihiin:

1. Kordhinta raasamaalka iyo Dakhliga Baanka Somaliland si loo adkeeyo awoodda maaliyadeed iyo madax-bannaanida hayโ€™addan muhiimka ah.

2. Qiimaynta Baanka Dhexe oo ay fulinayso shirkadda KPMG (Diagnostic Assessment) & Istraatijadda Muddada Dhexe ee gacanta lagu hayo;

3. Hirgelinta Barnaamijka Qaranka ee Nidaamka Lacag-bixinta Degdegga ah (NIIPS-National Inclusive Instant Payment System);

4. Mashruuca Switch-KA ee lagu mideynayo isku-xidhka bangiyada iyo Hayโ€™adaha maaliyadeed ee dalka ka jira;

5. Aasaaska Diiwaanka iyo Tixraaca Daymaha Qaranka (Credit Reference Bureau);

6. Dhismaha Sanduuqa Caymiska Deposits (Deposit Insurance Scheme);

7. Dib-u-habaynta shuruucda iyo siyaasadaha Baanka Dhexe;

8. Casriyeynta iyo nidaaminta korjoogtaynta suuqa sarifka lacagaha qalaad;

9. Qiimaynta Aasaaska Bangiga Ganacsi ee Dawliga ah oo laga dhex saaro Baanka dhexe.

Guddida Sare ee Baanka Dhexe ee Somaliland waxa kale oo ay Madaxweynaha uga xog-warrameen xeeladaha lagu xoojinayo shilinka Somaliland, laguna ilaalinayo xasilinta qiimaha suuqyada iyo nidaamka lacag-beddelka, si loo abuuro jawi dhaqaale oo deggan oo dhiirrigeliya maalgashi caalami ah iyo kalsooni bulsho.

Madaxweynuhu waxa uu Hoggaanka Sare ee Baanka Somaliland ku ammaanay dedaalka ay muddo kooban ku bixiyeen dib-u-habaynta iyo casriyeynta Baanka, isaga oo ku bogaadiyey horumarka muuqda ee ku socda dhismaha nidaamyada maaliyadeed ee dalka.

Madaxweynuhu waxa uu carabka ku adkeeyey in Xukuumaddiisu ay si buuxda u garab taagan tahay dhammaan mashaariicdan istiraatiijiga ah, maadaama ay yihiin kuwo tiir-dhexaad u ah xoojinta kalsoonida Nidaamka Maaliyadeed, kor u qaadista hufnaanta maamulka dhaqaalaha, iyo ilaalinta xasilloonida lacageed ee dalka.

Kulanka waxa ka qayb galay Guddoomiyaha Baanka Dhexe, Guddoomiye ku-xigeenka, Agaasimaha Guud, iyo saddex Xubnood oo ka mid ah Guddida aan fulinta ahayn ee Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulanka ayaa ku soo gabagaboobay is-faham iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Maamulka Sare ee Baanka Dhexe u xaqiijiyey in ay Xukuumaddiisa ka goโ€™an tahay in ay sii xoojiso wada shaqeynta ka dhexeysa Baanka Dhexe iyo Hayโ€™adaha kale ee Dawladda, si loo horumariyo maamulka dhaqaalaha, fidinta adeegyada maaliyadeed, iyo xoojinta hayโ€™adaha dhaqaale ee casriga ah, taasi oo qayb ka ah Qorshaha horumarinta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.