Dad badani waxaanay ogayn in Gadi Eisenkot oo la filayo inuu dhiso dawladda cusub ee Israel uu ka mid ahaa saraakiil ciidanka Israel ku jira oo muddo dheer olole ugu jiray inay Israel aqoonsato Jamhuuriyadda Somaliland.

Sannadkii 2006 wuxuu ka mid ahaa toban xubnood oo iskugu jiray saraakiil ciidan iyo diblomaasiyiin Israeliyiin ah oo magaalada Tel aviv ku soo dhaweeyay danjirahii Jamhuuriyadda Somaliland wakhtiga u fadhiyay magaalada Addis Ababa oo safar shakhsi ah ku tagay Tele viv

Marka wuxuu ahaa madaxa sirdoonka iyo hawgalka ee ciidanka Militaryga Israel ee loo yaqaano IDF.

Arrinta in Israel aqoonsi siiso Jamhuuriyadda Somaliland waa mid soo bilaabantay Wakhti hore oo saldhig u ahayd mabaa’diida istaratijiyadeed ee Israel.

Waxaan huba in Gadi Eisenkot uu uga faham badanyahay kagana adag yahay arrinta Somaliland Netanyahu.

Awoodda diblomaasiyadda Israel waxaa gacan ku leh madaxweynaha Israel Isaac Herzog oo isaguna si shakhsi ah qaddiyadda aqoonsiga JSL uga shaqeeyay