Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa sheegay Innuu’san Wanaagsannayn Xidhiidhka Isaga Iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

“Anniga Iyo Madaxweyne Cirro Xidhiidhkayagu Ma Wanaagsanna” Ayuu Yidhi Madaxweyne Geelle.

Geelle, Ayaa Siddoo Kale Muujiyey Wallaaca Uu ka Qabo Xidhiidha Diblomaasiyaddeed Ee Israa’iil iyo Somaliland, Isagoo Arrintaas Ku Daray Sababaha Uu Wallaaca Uga Qabo Xaalladda Siyaasaddeed Ee Gobolka Iyo Saameyn Weyn Ee Ay Dawladda Israel 🇮🇱 Ku Sii Yeellannayso, Iyaddoo Garrab Weyn Ka Hellaysa Dalka JSL Oo Ay Qarrannimaddeedda Aqoonsatay 26-kii December 2025-tii.

Wallaaca Madaxweyne Geelle muujiyey, ma’aha Mid Jibuuti U Gaar Ah, Balse Waa Mid Ay Ka Wadda Simman Yihiin Guud Ahaan-ba Dawladdaha Sidda weyn uga soo hor-jeedda Qarannimadda JSL, Kuwaasoo Kalla Ah Soomaaliya, Masar Iyo Erateriya, Kuwaasoo Dhammaantood-ba Ku Wadda Yaalla Gobolka Ay Dhacdo Badda Cas.

Hadda-ba Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Dr Cabdiraxmaan Cirro Oo Ah Shakhsi Siyaasaddiisa Iyo Wuxuu Dammacsan Yahay La Akhriyi Karrin, Ayaa Wallaac Iyo Wer-wer Ku Ridday Hogaammiyeyaasha Dawladdahan, Kuwaasoo Xitaa Si Weyn Ugu Dawakhay Xidhiidh La’aanta Dhanka Telefoonka Oo Uu Madaxweyne Cirro Toos Ah Ugu Jarro, Markay Soo Garraacaan. Waanna Sababta Ugu Weyn Ee Ay La Wallaacsan Yihiin Hogaammiyeyaasha Dawladdahanni.

Geesta Kale Dawladdaha Turkiga, Masar, Eritrea, Soomaaliya, Jibuuti, Sucuudiga Iyo Qatar, Ayaa Dhammaantood-ba, Iyagoo Addeegsannaya Hay’addahooga Dhanka Sirdoonka Ku Dawakhay Oggaanshaha Tab Iyo Xeellad, Wuxuu Dammacsan Yahay Madaxweynaha Jamhuuriyaddu. Iyagoo Si Kastaba U Raaddiyey Bal Innuun Ay Hellaan Xog Yar Oo Ku Saabsan Bal Wuxuu Dammacsan Yahay Madaxweyne Cirro, Kaddib Aqoonsigii Koowaad Ee JSL Ka Heshay Dawladda Israel