Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kulan La Qaatay Ururadda Siyaasadda Ee U Tartamaya Doorashooyinka Xisbiyada Qaranka.
Madaxwenaha oo la Kulmay Ururrada Siyaasada markii Xisbiyada Mucaaridku Qaadaceen
Hargeysa(Qaran news)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta kulan ujeeddadiisu ahayd dardar-gelinta arrimaha doorashooyinka iyo amniga guud ee dalka la yeeshay ururada siyaasadda ee waddanka. Kadib markii labada xisbi mucaarid qaadaceen.
Kulankan, ayaa diiradda lagu saaray sidii wada-jir loogu diyaar garoobi lahaa doorashada tartanka ururradda siyaasadda ee ay kusoo bixi doonaan saddexda xisbi qaran ee Tobanka sanno ee soo socda, waxa kale oo laga wada hadlay sidii ay xasilooni ugu qabsoomi lahaayeen doorashooyinku.
Waxana gabi ahaanba baaqday kulan uu madaxweynahu uu isugu yeedhay xisbiyada qaranka ee hada jira, kadib markii ay kulankaasi qaadaceen xisbiyada Waddani iyo Ucid