Safiirka Dawlada Itoobiya u fadhiya Somaliland 𝗔𝗺𝗯 𝗧𝗲𝘀𝗵𝗼𝗺𝗮 𝗦𝗵𝘂𝗻𝗱𝗲 𝗛𝗮𝗺𝗶𝘁𝗼 , safiir ku xigeenkiisa iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan safarada Itoobiya ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay madaxweynaha la doortey ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro .

Safiirka ayaa madaxweynaha cusub soo gaadhsiiyey dhanbaal Hanbalayo ah oo uu ka sidey dawladiisa Itoobiya .

Sidoo kale madaxweynaha cusub ee la doortey iyo Safiirka ayaa ka wada hadley xidhiidhka qotada dheer ee ka dhexeya Somaliland iyo Itoobiya .