Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa shaaciyay in la kordhin doono mudada xabad joojinta dagaalka Iiraan ilaa wadahadalladu ka soo dhamaanayaan, balse wuxuu dhanka kale sheegay inay sii socon donto xanibaadda Mareykanka ee dekedaha Iiraan.
Kahor inta uusan Donald Trump ku dhawaaqin inuu kordhin doono xabad joojinta, wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa BBC u sheegtay in Tehran aysan weli go’aansan inay ka qaybgasho wareeg cusub oo wadahadallo nabadeed ah oo ay la yeelan doonto Mareykanka dabayaaqada toddobaadkan.
Aqalka Cad ee mareykanka ayaa xalay xaqiijiyay in la baajiyay safarkii Madaxweyne ku xigeenka JD Vance uu ku tagi lahaa Pakistan, si uu uga qayb galo wadahadallo nabadeed oo wareeg labaad ah.
Xofhayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guteres ayaa soo dhoweeyay ku dhawaaqista Trump ee kordhinta xabbad-joojinta lala galay Iran ilaa wada-hadalladu ka soo gebogaboobayaan.
Afhayeen u hadlay Antonio Guterres ayaa ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo abuuraysa fursad muhiim u ah diblomaasiyadda.
Qoraal uu ku daabacay baraha bulshada, Mr Trump ayaa uga digay in xayiraadda Maraykanka ee dekedaha Iran ay sii socon doonto ilaa Tehran ay soo bandhigto waxa uu ugu yeeray “soo jeedin mideysan.”
Ra’iisul wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif—oo martigelinayay wada-hadallada nabadda—ayaa sheegay, inuu rajeynayo in labada dhinac ay sii ixtiraamaan xabbad-joojinta hadda jirta.
Wareeg labaad oo wada-xaajood ah oo ka dhaca Islamabad weli lama dejin jadwalkiisa, halka madaxweyne ku xigeenka Maraykanka, JD Vance, uu baajiyay qorshihii uu halkaas u tagi lahaa.





