Telefishanka Fox News ee dalka Maraykanka, ayaa sheegay in Madaxweyne Donald Trump uu ka shaqeeyo in la aqoonsado Jamhuuriyadda Somaliland, si Maraykanku u helo saldhig millateri iyo fursado dhaqaale si uu uga hortago saameynta Shiinaha iyo Ruushka ee Afrika.
Warbixinta Fox News oo ay soo turjuntay Wakaaladda wararka ee SOLNA, ayaa lagu sheegay in goobta muhiimka ah ee ay ku taallo JSL ay sababayso in la ictiraafo.
Warbixintu waxay xustay in Somaliland oo ku taalla koonfurta gacanka cadmeed ay xornimadeedii kala soo noqotay Soomaaliya 1991kii, ay Markaynka u soo bandhigtay saldhig badda iyo cirka ah oo u dhow halka laga galo badda cas.
Senator Ted Cruz oo ah guddoomiyaha guddi hoosaadka arrimaha dibadda ee aqalka odayaasha u qaabilsan Afrika, ayaa shaaciyay inay tahay fursad dhab ah in madaxweyne Donald Trump aqoonsado Somaliland inta uu ku gudo jiro muddo xileedkiisan.
Mr. Cruz wuxuu caddeeyay in madaxweyne Trump uu
dhalinayo cahdi cusub oo uu ku waadixinayo siyaasadda amniga qaranka Maraykanka, kadib afartii sannadood ee la soo dhaafay oo uu maamulkii Joe Biden abaalmarinayay cadowgooda isla markaana uu ciqaabayay xulafadooda. Waxaanu intaas ku daray in aqoonsiga Somaliland ka mid yahay isbeddelkaas cusub ee Madaxweyne Trump hirgelinayo.
Senator Ted Cruz wuxuu bayaamiyay in Somaliland ay tahay xulafo la isku hallayn karo oo la midoobaysa bahwadaagta Maraykanka ee caalamka. wuxuuna ku dooday inay Somaliland ka go’an tahay inay ka caawiso Maraykanka siduu hoos loogu dhigi lahaa Shiinaha.
Ted Cruz wuxuu intaas ku daray in Somaliland oo ah dal Boqolkiiba 99 Muslim ah, ay dalkooda ka hireen koixaha argagixisada.






