Madaxweynaha oo kulan la yeelan doona Gud-xigeenka Guddida Arrimaha Dibeda ee Golaha Guurtida Faransiiska
Hargeysa- Gudoomiye-xigeenka Guddida Arrimaha Dibedda golaha Guuritda Faransiiska Md. Olivier Cadic oo shalay booqasho ku yimi dalka ayaa kulan la qaadan doona Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi.
Md. Olivier Cadic oo ka hadalay booqashadiisa dalka ayaa ka mahadceliyey sida diiran ee xubnaha Golayaasha Qaranka iyo xukuumadu u soo dhaweeyeen, isla markaana sheegay inuu kulamo kala duwan la qaadan doono dhinacyo kala duwan. Waxaanu yidhi;
โWaxaan kulan la leeyahay Madaxweynaha Qaranku iyo madax kale oo Somaliland ah iyo goleyaasha qaranka.
Gudoomiye-xigeenka Arrimaha Dibedda Golaha Guurtida Faransiiska ayaa sheegay in arrimo badan ka wada xaajoon doonaan masuuliyiinta Somaliland, isagoo yidhi,
โWaxaanu ka wada xaajoon doonaa arrimaha nabadgelyada, dhaqaalaha, iyo arrimo kale oo xoojinaya xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Faransiiska