Madaxweynaha Somalia Xassan Shiikh Maxamuud ayaa Berrito oo Isniin ah ku wajahan dalka Jabuuti isagoo ka qey galaya Shirka Caadiga ee Meertada 14-aad ee Golaha Madaxda Dowladaha iyo Xukuumadaha ee dalalka xubnaha ka ah Urur-Gobaleedka IGAD.

Madaxweynaha dalka Kenya,  william Ruto ayaa noqday Hoggaamiyihii u horeeyey ee dalka Djibouti u tegay inuu kaga qeyb galo Shir Madaxeedka IGAD berrito u furmi doono.

Ruto ayaa la sheegay inuu xalay gaaray Djibouti,  waxaana u qorsheysan inuu maanta Kulan Khaas ah la yrrsho dhigiisa dalkaasi,  Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxda waxay ka wada arrinsan doonaan Xaalladaha Khatarta ee dhinacyada Ammaanka, Nabadda iyo Horumarinta ee Mandiqada.

Kulanka Madaxda dalalka IGAD waxaa kaloo kala qeyb geli soona Wakiilo ka kala socda Midowga Afrika, QM iyo Midowga Europe.

Qoraal ka soo baxay Xoghaynta IGAD ayaa lagu sheegay inuu Kulankaasi Fursad siinayo dalalka xubnaha ka ah Ururka IGAD inay Dib-u-eegis ku sameeyaan dadaaladii horey loo gaaray iyo inay ka wada xaajoodaan Istaraatiijiyada Cusub ee xaqiijinta Horumarka Waara ee Gobalka.

Madaxda dalalka IGAD waxay kaloo shirkooda Djibouti uga furmay berrito uga xaajoon doonaan Xoojinta Iskaashiga dalalka xubnaha ka ah Urur-Gobaleedkaasi, Sare-u-qaadida Is-dhexgalka Bulshada, Xoojinta Nabadda, Deganaanshaha,  Kordhinta Dhaqaalaha, Barwaaqaynta  iyo Horumarinta Bulshada.

Madaxda waxay kaloo isla eegi doonaan Colaada dalka Sudan iyo sidii loo taageeri lahaa dadaalka Diplomaasiyadeed iyo Hawlaha Samafalka ee wax looga qabanayo Colaada lagu riiqmay ee dalkaasi.

Horey, Madaxweynayaal ka tirsan IGAD ayaa loo xil saaray Dhexdhexaadinta dhinacyada isku dilayo dalka Sudan,  balse weli uma aysan suurto-gelin inay Ambaqaadaan Hawlihii Dhexdhexaadinta ahayd sababo la xiriira Xawliga uu Dagaalku u socdo.