Addis Ababa,(Qaran news)- Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka hadlay shirkii dalalka midowga Africa uga furmay dalka Itoobiya ayaa sheegay in hore loogu heshiiyay oo Africa oo dhani isku raacday in la tix galiyo oo la aqoonsado xuduudihii ay ka tageen xiligii Mustacmarka
Hadalka maanta ka soo yeedhay Madaxweynaha Somalia mid ay had iyo gooraale ay Somaliland ku doodo ah in Somalilandna uu Ingriisku xoriyadiibsiiyay xaga Somalia uu Talyaanigu gumaysan jiray.
Waxa hubaal ah in wadamada Africi ay aqoonsan doonaan qadiyada Somaliland oo ku taagan qadiyad sharci ah sida uu qiray madaxweyne Xasan Sheekh.