Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh ayaa maanta masaajidka Villa Somalia ka soo dhaliiley madaxweynaha Puntland, Siciid Deni, isaga oo durey qaabka uu u wajahayo doorashooyinka qof iyo cod.
Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa sheegey in aan laysku raacsanayn doorashooyinka xilligan, isaga oo ka digay in nidaamkii 24-ka sanno Puntland ay ku soo caano-maashey uu ku burburi karo 24 maalmood gudahood, haddii buu yidhi, ay madaxda maamulku iskudaydo hannaan aan heshiis lagu ahayn.
No photo description available.