












๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐๐๐๐ซ ๐ฌ๐ก๐๐ช๐จ ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐๐๐ฑ๐๐ฒ ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐ฌ๐ฎ-๐ญ๐๐ ๐ ๐ ๐๐ฆ๐๐๐ซ๐๐๐๐ค๐ ๐๐๐ซ๐๐๐ญ๐ (๐๐๐)
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu baxay Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE), halkaas oo uu Madaxweynuhu kaga qayb-gali doono Shirka Sannadlaha ah ee Kulanka Dawladaha Adduunka (World Governments Summit) oo ka dhacaya magaalada Dubai.
Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa ah mid xambaarsan macne diblomaasiyadeed oo muhiim ah, isaga oo ku meteli doona Qaranka Somaliland Madal Caalami ah oo ay ku kulmayaan in ka badan 130 Dawladood oo ka socda Caalamka, Hayโado Caalami ah iyo madax kale oo saamayn ku leh goโaannada siyaasiga ah ee Dunida.
Madaxweynaha ayaa Madashaasi ka gudbin doona farriin ku saabsan waayo-aragnimada Jamhuuriyadda Somaliland ee xagga Dawlad-dhiska, Nabadda, Dimuqraadiyadda iyo Horumarka, taasi oo xoojin doonta doorka muhiimka ah ee ay Jamhuuriyadda Somaliland ku leedahay Gobolka Geeska Afrika iyo Caalamkaba.
Muddada ay Madaxweynaha iyo weftigiisu ku sugan yihiin dalka Imaaraadka Carabta waxa ay kulammo la yeelan doonaan madax iyo masuuliyiin caalami ah, kuwaas oo diiradda lagu saari doono iskaashiga horumarineed, maalgashiga, ganacsiga, amniga iyo arrimaha mudnaanta u leh danaha guud ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Ka-qaybgalka Jamhuuriyadda Somaliland Madashan Caalamiga ah ee Kulanka Dawladaha Adduunka (World Governments Summit), waxa ay mar kale muujinaysaa danaynta sii kordhaysa iyo kalsoonida ay Bulshada Caalamku ku qabto Jamhuuriyadda Somaliland.
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐
๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ),
๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐






