
Waftigii Somaliland eebuu hogaaminaayayn madaxweynaha Somaliland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa caawabkulan sagootin ah la yeeshay Raysal wasaarihii hore ee dalka Kiiniya siyaasiga rugcadaaga ah Mudane Raila Amolo .
Hadaba qoraal kooban oo uu goor dhawayd uu madaxweynauhunuu ku baahiyay barta uu ku leeyahay Facebook ayuu kulankaasi kaga hadlay qoraalkiisuna waxa uu u dhignaa oo uu ku bilaabay sidan hoosnku xusan.
Waxa ay ii tahay sharaf weyn in caawa anniga iyo wefdigeyguba uu kulan sagootin ah hoygiisa noogu sameeyey Ra’iisal Wasaarihii hore ee dalka Kenya, siyaasiga weyn, ahna mid ka mid ah saaxiibada qaaliga ah ee ay Jamhuuriyadda Somaliland leedahay, Mudane Raila Amolo Odinga.
Waxa aan si qoto dheer uga wada-hadalnay xidhiidhka taariikhiga ah iyo saaxiibtinimada soo jireenka ah ee ka dhaxaysa Mudane Raila Odinga iyo Jamhuuriyadda Somaliland. Sida oo kale, waxa aanu isla meel dhignay fursadaha iskaashi ee ka dhexeyn kara Somaliland iyo Kenya, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, isu socodka, horumarinta aqoonta, iyo arrimaha istaraatiijiga ah ee gobolka.
Waxa aan si gaar ah ugu mahadnaqayaa Mudane Raila Odinga sida diirran, xushmadda leh, ee uu noogu qaabilay hoygiisa, taas oo marag u ah qaddarinta iyo xidhiidhka gaarka ah ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda Kenya.






