Madaxweynaha Somaliland oo Socdaal ku Tagaya Itoobiya
Hargeysa(Qaran news)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu wadaa inuu socdaal ku tago Itoobiya maaalinta bari ah
Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay labada dawladood, hase yeeshee ilo looga qaateen ah ayaa sheegay in madaxweyne Muuse Biixi uu martiqaad ka helay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.
Itoobiya iyo Somaliland oo cilaaqaadkoodu aad u sareeyay ayaa xidhiidhkoodu hoos u dhacday tan iyo markii Abiy Ahmed la doortay 2018kii. Wuxuuna xoogga saaray Soomaaliya oo ay aad iskugu xidhmeen intii uu joogay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.
Ma cadda asbaabaha uu xilligan Abiy Axmed ugu yeedhay Madaxweynaha Somaliland, iyadoo indhawaalaba diblomaasiyad ahaan la dareemay inuu gaabis ku yimid iskaashigii dhinacyada amniga iyo Ganacsiga ee Somaliland iyo Itoobiya.