














𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐂𝐨𝐮𝐧𝐜𝐢𝐥 𝐨𝐧 𝐅𝐨𝐫𝐞𝐢𝐠𝐧 𝐑𝐞𝐥𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧𝐬 (𝐂𝐅𝐑), 𝐍𝐞𝐰 𝐘𝐨𝐫𝐤
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa magaalada New York khudbad taariikhi ah ka jeediyey Golaha Xidhiidhka Dibedda (Council on Foreign Relations – CFR), oo ka mid ah xarumaha ugu saamaynta badan Maraykanka ee daraasaadka iyo falanqaynta siyaasadda arrimaha dibadda.
Madaxweynuhu waxa uu madasha CFR si toos ah ugu bandhigay aragtida Somaliland, isaga oo xusay in Somaliland muddo 35 sano ah ay ahayd Qaran nabad ah, dimuqraadi ah, iskii isu maamula, isla markaana si masuuliyad leh uga qayb qaata xasilloonida gobolka.
Madaxweynuhu waxa uu caddeeyey in Somaliland buuxisay dhammaan shuruudaha aasaasiga ah ee dawladnimada, isla markaana aanay aqoonsi u doonayn samafal ama deeq, balse ay doonayso in la aqoonsado xaqiiqada dawladnimo ee ay dhistay iyo madaxbannaanidii ay heshay sannadkii 1960-kii.
Waxa uu sidoo kale iftiimiyey in aqoonsiga Somaliland aanu ahayn oo keliya arrin taariikhi ah, balse uu yahay fursad istiraatiiji ah oo xoojin karta ganacsiga, maalgashiga, shaqo-abuurka, iyo amniga Geeska Afrika, gaar ahaan ilaalinta mid ka mid ah marinnada badeed ee ugu muhiimsan dunida.
Madaxweynuhu waxa uu si cad u qeexay in Somaliland ay tahay dal dimuqraadi ah oo nabad iyo xasillooni waarta ka hirgeliyey gobol ay qalalaasuhu ku badan yihiin, balse weli laga hor taagan yahay in ay cod yeelato. Halka Soomaaliya oo aan iskeed isku maamulin karin in ka badan 30 sano ay xubinnimadeeda Qaramada Midoobay u adeegsanayso cabbudhinta iyo cadaadiska Shacabka Somaliland.
Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Bulshada Caalamka hor dhigay arrin xujo iyo garnaqsiba ku ah Beesha Caalamka, taas oo ah: In ay weli Beesha Caalamku sii wadaan taageerada diblomaasiyad dhalanteed ah oo aan nabad iyo xasillooni waarta midkoodna keeni karin, ama in ay aqoonsato xaqiiqada dhabta ah ee Somaliland oo ah Dawlad nabad ah, dimuqraadi ah oo diyaar u ah in ay horumariso danaha dhaqaale iyo kuwa amni ee caalamku wadaago.





