






























Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo weftigii uu hogaaminaayey ayaa galabta si ballaadhan loogu soo dhaweeyey magaalooyinka Dila iyo Boorama ee Gobolka Awdal
Bulshada reer Awdal ayaa si niyad-wanaag iyo farxad leh u soo dhaweeyey Madaxweynaha iyo weftigiisa, iyaga oo shucuurtooda ku muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin booqashada Madaxweynaha, iyaga oo ku tilmaamay in safarkiisu uu yahay mid muujinaya wadajirka iyo midnimada shacabka Somaliland.
Markii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland soo gaadhay Gobolka Awdal, waxa uu si kal iyo laab ah u salaamay shacabka iyo madax dhaqameedka Gobalka , kuwaasi oo ku soo dhaweeyey Calanka Qaranka JSL iyo caleemo qoyan.
Madaxweynuhu inta uu ku sugan yahay magaalada Boorama, waxa uu kulammo muhiim ah la yeelan doonaa Madaxda heer Gobol iyo kuwa Degmo, wax-garadka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada reer Awdal. Kulamadaasi waxa diiradda lagu saari doonaa arrimaha horumarinta adeegyada bulshada, xoojinta wada-shaqeynta Hayโadaha Dawladda iyo bulshada rayidka ah, iyada oo laga wada hadli doono xoojinta nabadda, wada-jirka iyo midnimada ummadda reer Somaliland.
Dhanka kale, Madaxweynuhu waxa uu ka qayb geli doonaa Xafladda Qalin-jabinta Jaamacadda Camuud.
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐
๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ),
๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐





