Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa sheegay inuu booqasho ku tegi doono dhawaan dalka Mareykanka, halkaas oo uu kula kulmi doono Masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Gaashaandhigga ee Mareykanka.
Madaxweyne Cirro oo u waramayey Bloomberg, waxa uu xusay in Mareykanka ay u socdaan wada hadallo meel wanaagsan maraya oo uu rajaynayo in ay midho dal noqdaan “Waxaan weli ka wadahadaleynaa arrimahaas. Waxaan rajeyneynaa in wadahadalladaas ay midho dhal noqdaan mustaqbalka.”
Madaxweynuhu waxa kale oo uu tilmaamay in Mareykanku xiisaynayo Saldhi Militeri oo ay Somaliland ku yeeshaan, taasna ay Somaliland diyaar u tahay.
Saleban Saxansaxo






