𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐃𝐡𝐚𝐤𝐡𝐭𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐇𝐚𝐫𝐠𝐞𝐲𝐬𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐝𝐚𝐲 𝐝𝐚𝐝𝐤𝐢𝐢 𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐚𝐰𝐚𝐜𝐦𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐪𝐚𝐝𝐢𝐢 𝐁𝐨𝐨𝐫𝐚𝐦𝐚
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa saaka subaxnimadii Dhakhtarka Guud ee Hargeysa ku booqday qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay shaqaaqadii dhawaan ka dhacday magaalada Boorama.
Madaxweynuhu waxa uu mid mid u booqday bukaannada, isaga oo u muujiyey dareen naxariis leh, isla markaana ka xog-waraystay xaaladdooda caafimaad. Waxa uu si gaar ah u xaqiijiyey in Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland uu si buuxda u barbar taagan yahay dhammaan dadkii ku waxyeelloobay dhacdadaas, isla markaana aanay kelidood ahayn.
Madaxweynaha ayaa Wasaaradda Caafimaadka, maamulka iyo shaqaalaha Dhakhtarka Guud ee Hargeysa uga mahadnaqay dedaalka joogtada ah ee ay ku bixiyeen daryeelka bukaannada, isaga oo ku bogaadiyey sida xilkasnimada leh ee ay u gudanayaan waajibaadkooda caafimaad ee ay bulshada u hayaan.
Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu mar kale tacsi u diray qoysaska ay waxyeelladu gaadhay, isaga oo Allah SWT uga baryey in uu caafimaad degdeg ah siiyo dadka dhaawacmay .






