Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa Munaasibadda Ciidal Adxa awgeed booqasho sharafeed kooban ku tagay Hoteellada Damal iyo Guuleed ee magaalada Hargeysa, halkaasi oo uu kula kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada.

Dadweynaha ciidayey ee ku sugnaa labadaa goobood waxa ay Madaxweynaha ku qaabileen farxad iyo salaan diirran, iyaga oo sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in uu Madaxweynuhu soo booqday, farxadda Ciidana uu la qaybsaday.

Booqashada Madaxweynuhu waxa ay ahayd mid ka turjumaysay kulanka hoggaanka Qaranka iyo shacabkiisa, taasi oo muujinaysa wadajirka iyo isku duubnida Qaranka JSL