Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo uu wehelinayo Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashi ha Caalamiga ah Mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan ayaa maanta Xafiiskiisa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dawladda Itoobiya u fadhiya Somaliland, Mudane Teshome Shunde Hamito.
Labada dhinac waxa ay caddeeyeen in ay ka go’an tahay sii xoojinta arrimaha diblomaasiyadda iyo joogtaynta kulanno wax tar u leh labada dhinacba. Ugu dambayntii, labada dhinac waxa kale oo ay ka wada hadleen in laga wada shaqeeyo arrimaha xagga socdaalka iyo isu-socodka bulshada. Kulanku waxa uu ku soo gabagaboobay guul iyo is-afgarad.
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐
๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ),
๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐