𝐓𝐀𝐂𝐒𝐈 𝐌𝐀𝐃𝐀𝐗𝐖𝐄𝐘𝐍𝐄:

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), isaga oo ku hadlaya Magaciisa, ka Dawladda, ka Shacbiga iyo ka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, Qoyska, Ehelada, Qaraabada iyo Asxaabta uu ka baxay AHUN Marxuum Muxumed Samaale Ducaale oo ka mid ahaa Odayaasha Haldoorka ah ee reer Somaliland oo Hargeysa ku geeriyooday, saaka oo Taariikhdu tahay 31/10/2025.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ku sifeeyey Waayeel iyo Guurti nabad-doon ahaa oo kaalin weyn ka soo qaatay hawlihii Qaran-dhiska iyo nabadayntii dalkan Somaliland, kuna sifaysnaa ka shaqaynta Suluxa iyo isu soo dhaweynta bulshadiisa.

Madaxweynuhu waxa uu geerida Marxuumka si gaar ah uga tacsiyadaynayaa Guddoomiye ku-xigeenkii 1-aad ee hore ee Golaha Wakiillada, Wasiirkii hore ee Maaliyadda, ahna Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga KULMIYE Mudane Cabdicasiis Muxumed Samaale oo uu Marxuumku Aabbihii ahaa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Marxuumka Allah SWT uga baryayaa in uu ka waraabiyo Jannatul Firdawsal Aclaa, Qoyska, Ehellada, Qaraabada, Asxaabta, Qaranka Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Xuseen Aadan Cige (Deyr),

Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.