Madaxweynaha Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray, Soona Kormeeray Suuqa Casriga ah ee Hadhwanaag.

Haargeysa(Qaran news)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo xadhiga ka jaray, soona kormeeray Suuqa Casriga ah ee Hadhwanaag oo laga hirgeliyey badhtamaha suuqa Hargeysa.

Suuqan Cusub ayaa ah mid waxbadan ku soo kordhin doona suuqyadii hore ee Caasimada Hargeysa iyo adeega arrimaha bulshada ee casriga ah.

Madaxweynaha qaranka oo ay wehelinayaan wasiirradda Ganacsiga iyo Dalxiiska, Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta reer miyiga, Mudane Siciid Sulub Maxamed, Xildhibaan Maxamed Xuseen Jaamac (Raambo), gudoomiyaha rugta ganacsiga, Jamaal Caydiid, Maayarka Caasimada Hargeysa, Mudane Cabdikariim Axmed Mooge iyo Xoghayaha Dawladda Hoose Mudane Siciid Nuur Jaamac.