Madaxweynaha Soomaaliya oo Villa Somalia ku qaabiley Isimmada Dhaqanka SSC-KHAATUMO ee Muqdisho ka degay+Sawirro
War ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu yidhi:
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyey baaqii dowladda ee ku wajahnaa dhinacyada ku dagaallamay Magaalada, kaas oo salku ku hayey in xal aan xabbad ahayn lagu wajaho xaaaladda, dowladda Federaalka Soomaaliyana ay ka go’an tahay in ay doorkeeda nabadeynta iyo fududeynta wada-xaajoodka ay qaadato, si loo joojiyo dhiigga qulqulaya.”
Geesta kalena Ujeedka isimada SSC ayaa ah inay dawlada Somalia u cadayso mawqifkeeda qadiyada SSC kadibna wada tashi ay ugu laaban doonaan dadkooda si go’aan midaysan loo gaadho.