
Madaxweynahii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland mudane Dahir Rayaale Kaahin ayaa maanta duhurkii dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu in mudo ah uu dalka dibadiisa ku maqnaa.
Madaxweyne Rayaale waxa madaarka Egail International Airport ku soo dhaweeyay Wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda Somaliland mudane Cabdalle Mohamed Carab Sandheere.
Wasiirka oo warbaahinta la hadlay ayaa hadalo diiran ku soo dhaweeyay waxana uu xusay in maanta uu dalka dib ugu soo laabtay madaxweynahii hore ee Somaliland oo ahaa maaxweyne aad loo jeclaa waxana uu sheegay in uu ku soo dhawaynaayo afka xukuumadda,xisbiyaa qaranka iyo shacabkaba.
Madaxweyne Rayaale ayaa isna goobtaasi hadalo kooban ka soo jeediyay waxa aanu u mahad naqay xukuumadda iyo dhamaan qaranka oo dhan.
Dalku waa dalkaygii dadkuna waa ddkii aan madaxweynaha u ahaan jiray waanan u mahad naqayaa hada waan soo laabtay salaam ayaan dhamaantiin idiin soo dirayaa waana aynu is waraysan doonaa.






