
๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐จ๐จ ๐๐ก๐๐ ๐๐ฑ-๐๐ก๐ข๐ ๐๐ฒ ๐๐ก๐ข๐ฌ๐ฆ๐๐ก๐ ๐๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ ๐๐ ๐๐๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐ ๐๐ก๐๐ค๐ก๐ญ๐๐ซ๐ค๐ ๐๐๐ข๐ฐ๐๐ง (๐๐๐ข๐ฐ๐๐ง ๐๐๐๐ข๐๐๐ฅ ๐๐๐ง๐ญ๐๐ซ) ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐ฌ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐ฒ๐ง๐ญ๐ ๐๐ข๐ฌ๐๐ข๐ญ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐๐ซ๐ ๐๐ฒ๐ฌ๐
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed



























Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay Dhismaha Cusub ee Xarunta Dhakhtarka Taiwan (๐๐๐ข๐ฐ๐๐ง ๐๐๐๐ข๐๐๐ฅ ๐๐๐ง๐ญ๐๐ซ) iyo Casriyeynta Cisbitaalka Hargeysa. Mashruucan ballaadhan waxa maalgelisay Dawladda aynu saaxiibka nahay ee Taiwan, kaas oo qayb muhiim ah ka qaadan doona horumarinta adeegyada caafimaadka ee dalka.
Munaasibadda dhagax-dhigga Xarunta Dhakhtarka Taiwan (Taiwan Medical Center) ayaa ahayd mid ka tarjumaysay saaxiibtinimada iyo iskaashiga qotada dheer leh ee ka dhexeeya labada Jamhuuriyadood ee Somaliland iyo Taiwan, iyaga oo labada dhinac ay si joogto ah uga wada shaqayn doonaan horumarinta caafimaadka, waxbarashada, tiknoolajiyadda iyo kobcinta xirfadaha iyo aqoonta qaybaha kala duwan ee Ciidamada Qaranka.
Madaxweynuhu waxa uu halkaas ka jeediyey hadal miisaan leh oo xambaarsanaa mahadnaq qoto dheer iyo dareen iskaashi, isaga oo Dowladda iyo Shacabka dalka Taiwan ku ammaanay taageerada ay la garab taagan yihiin dadka iyo dalka Somaliland, gaar ahaan mashaariicda horumarineed ee waxtarka u leh nolosha bulshada reer Somaliland. Madaxweynuhu waxa uu sheegay in dalka Taiwan uu yahay saaxiib weyn oo ay Somaliland leedahay oo la isu hallayn karo.
Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in dhismaha Dhakhtarka Cusub ee Taiwan ay tahay calaamad muujinaysa saaxiibtinimada dhabta ah ee u dhaxaysa labada dal, isaga oo Taiwan ku bogaadiyay sida ay uga goโan tahay horumarinta caafimaadka iyo adeegyada kale ee waxtarka u leh nolosha bulshada Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in dhismaha Xarunta Dhakhtarka Taiwan (Taiwan Medical Center) iyo Casriyeynta Dhakhtarka weyn ee Hargeysa uu noqon doono Xarun bixisa adeeg caafimaad oo tayo sare leh, taasi oo si weyn u yarayn doonta baahiyaha caafimaad ee dalka, isla markaana kor u qaadi doonta tayada adeegyada caafimaadka.
Dhanka kale, Wasiirka, Wasiir-ku-xigeenka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa si weyn ugu mahad naqay Dawladda Taiwan taageerada iyo maalgelinta ay ku bixisay dhismaha cusub iyo casriyeynta Dhakhtarka weyn ee Hargeysa, iyaga oo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo kor u qaadaysa adeegyada caafimaadka dalka, isla markaana muujinaysa iskaashiga midho-dhalka ah ee u dhexeeya labada dal.
Sidoo kale, munaasibadda waxa iyaguna hadllo ka soo jeediyey Wasiirro, Guddoomiye Ku-xigeenkii 1-aad ee Golaha Wakiillada, Mayor-ka Caasimadda, Guddoomiyaha Gobolka M/jeex, Dr. Edna Adan, Agaasimaha Dhakhtarka weyn ee Hargeysa iyo marti sharaf kale, kuwaasi oo dhammaantood si weyn ugu mahad naqay Dawladda iyo Dadka Jamhuuriyadda Taiwan maalgelinta adeegyada caafimaadka ee dalka JSL.
Isaguna dhankiisa, Wakiilka dalka Taiwan ee Somaliland, Mudane Alen Lou ayaa sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay in uu sii wado taageerada uu u fidinayo Somaliland, gaar ahaan dhinacyada Caafimaadka, Waxbarashada, Tiknoolajiyadda iyo kobcinta iyo xirfadaha qaybaha kala duwan ee laamaha Amniga JSL.
Munaasibadda ayaa ku soo dhammaatay jawi saaxiibtinimo ay labada Jamhuuriyadood ( Somaliland iyo Taiwan) ka wada shaqayn doonaan isla markaana ay iskana kaashan doonaan dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin caafimaadka, Beeraha, Aqoonta Tiknoolajiyadda, arrimaha Dimuqraadiyadda, iwm






